Muqdisho: December /7/2021 Waxaan ka qeyb galay Shir jaraaid oo ay qabteen Safiirka UK Marwo Kate Foster, iyo Ku xigeenka Safiirka Mareykanka Marwo Colleen Crenwelge, waxayna kaga hadleen Doorashiiyinka dalka, Warbxintii maalintaas aan ka diyaariyey waxag aheyd sidan,

"Safiirada UK iyo Mareykanka oo  Shirkan Jaraaid ku qabteen Aalada Zoomka  ayaa  lagu Casuumay Warbaahinta  ayaa lagu weydiinaayey Su'aalo ku saabsan Arimaha doorashooyinka dalka iyo  sida suurta galnimada leh ee loo heli karo Doorasho Xur iyo Xalaal ah,  doodo ka tagaan  Kuraasta qaarkood ayey Safiiradu sheegeen in lagama maarmaan ay tahay iney Wada hadala sii wataan Mucaaradka iyo Dowlada.

Abdalla Axmed Muumin oo ku hadlaayey Magaca Warbaahinta madax-banaan  ayaa sheegay  Xaqa ay leeyihiin Dadka laga tirada badan yahay  iyo sida laga maarmaan u tahay ka qeyb gelinta Siyaasada,


"Safiirka dalka UK Marwo  Kate Foster ayaa sheegtay  in dalka aan hal u aheyn Qalalaase iyo in lagu kalsoonado Doorasho  Xur ah loo wada dhan yahay
Waxaa laga maarmaan ah in Dowlada iyo Mucaarada dantooda ay  ka hormariyaan Danta Shacabka, iyo Kuraasta qaar ee  is hor istaaga lagu  sameeyey  iyo Doorashada In laga qeyb  geliyo Dadka laga tirada badan yahay"


Marwo Colleen oo ah Siihayaha Safiirka Mareykanka ayaa iyadana dhankeeda Sheegtay in muhiim ay in  la horumariyo Qoondada Haweenka iyo in Dalka uu helo Warbaahin Xor ah,