Waxaan ka qeyb galay Tababar looga hadlaayey Tebinta Wararka Xuquuqul Aadanaha kaasi oo ka dhacaayey Hotel Armaan oo ku yaala magalada Muqdisho, intii u dhaxeeysay 28-30 July 2021 waxaan ku baranay aniga iyo Suxufiyiin bdan oo ka howl-gala Idaacadaha Telefishanada iyo Wakaaladaha qaar,
Inta aanu casharada bilaaban waxaa dardaaran kooban Nasiiyey Xoghayaha Guud ee SJS Ustaad Abdalle Ahmed Mumin oo u jeedkiisu ahaa in aan si ficn u dhuuxno casharada Macalimiinta Nasiinayaan, wuxuuna diirada saaray in la helo Weriyaal u carbisan tebinta Xad-gudubyada loo geysto muwaadin kasta ee Soomaaliya jooga,
Tababarka inta uu socday waxaan isku baranay Suxufiyiin kala duwan oo leh rag iyo dumar waxaana uu ahaa tababar aan ku baranay tebinta ,, Xuquuqda Caruurta,, Xuquuqda Haweenka,,
Xoojinta iyo ku dhaqanka Dastuurka gaar ahaan in Weriyaasha in si gaar ah muhiimad u siiyaan aqrinta Dastuurka, anshaxa iyo tebinta Xad-gudubyadda ka dhanka ah ee loo geysto Haweenka ku nool Caasimada iyo gobolada dalka qaarkood,
Macalimiinta Casharada bixinaayey oo ay kala ahaayeen Ustaad Abuukaate Cabdiraxmaan Xasan oo u qaabilsanaa Qaanuunka iyo Sharciga Dalka iyo in Weriyaasha bartaan Qodobadda muhiimka ah ee u gaarka ah Xuquuqul Aadanaha iyo Suxufiga sida uu u adeegsan karo,
Ustaas Axmed Maxamed oo isna ahaa Macalin si gaar ah noo baraayey Xadgudubyada ka dhanka ah iyo ku tumashada Ququuqda muwaadinka,
Ustaad Hinda Dahir Jama oo runtii aheyd Macalimad Xiisadeeda aan laga dhergin marka ay ka sheekeyneyso Arimaha Xadgudubka caruurta iyo Ku shaqeeynta Ciyaalka aan weli qaan gaarka aheyn aniga wxuuu ii ahaa moowduuc si gaar ah ii taabtay oo aan markasta maanka ku hayo ku shaqeeynta Caruurta yar yar,
Casharada ka dib Macalin walba waxaa uu lahaa su’aalo si gaar ah loo weydiinaayey kaasi oo u badnaa Xadgudubka Haweenka iyo habka loo tebinkaro iyada oo aan lagu xad gudbeeynin sumcada Qofka dhibanaha mowduucaasi oo ahaa mid sigaar ah loo hadal haayey Macalimiintuna ay ka bixinayeen Jawaabo isku mid ah midba midka kale uu taabanaayey meelo muhiim ah,
Waxaa loo fariisanayey Koox koox oo ka kooban ilaa iyo Shan ruux waxay ka shaqeeynaayeen waxaa ay ka fahmeen tebinta Xuquuqul Aadanaha , Koox aniga aan ka ka mid ahaa waxaa si gaar ah loogu diray arimaha Qaxootiga iyo habka ugu wanagsan ee looga warami karo waxaan iska dooranay Koox si gaar ah ugu qaabil sanaa soo jeedinta casharadii aan baranay,
Sedex maalin oo u dhiganta 30 Maalmood ayaan ka soo baxnay waxaana qof kasta anaga naga mid ah uu dareemaayey is bedel weyn oo uu keeni karo , waxaana nalagu abaalmariyey Shaado muujineysay casharadii aan qaadanay,
Ugu dambeyn sheekadeyda waxaan ku soo afmeerayaa in la xoojiyo Tababarada iyo Barashada tacliinta sare,
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Ururka Suxufiyiinta SJS oo kaalin mug leh ka qaatay tayeynta iyo Xoojinta Suxufiyiin badan oo ku nool Muqdisho,
WQ/ Hussein Ali Gesey
0 Comments