Dalka waxaa ka bilowday nooc doorasho loo maleeyo balse aan aheyn  doorashadii la yaqaanay, tan kuwii ka horeeyey  Siyaasiyiinta xil-doonka ah ee falaqeeya arimaha doorashooyinka  ayey ku shegeen in  tani ay tahay mid ku cusub saaxada siyaasada Soomaalida,

July,29, 2021 ayaa Baarlaanka  Jubaland  bilaabay qeyb ka mid ah doorashada Aqal Senatorada, kuwaasi oo lagu doortay magalada kismaayo waxayna kala ahaayeen,

1. Sen. Ilyaas Badal Gaboose

2. Sen. C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag),

3. Sen. Iftiin Xasan Iimaan Baasto

4. Sen. C/risaaq Maxamed Cusmaan.

 

August 2,2021 Waxaa  magalada Baydhabo ee maamulka koonfur galbeed ka bilowday  shan(5) ka mid ah doorashada aqalka sare oo baarlamaanku u doorteen Xubnaha matalaya 11aad ee Aqalka sare  waxayna kala ahaayeen xubnahaasi,

1. Senator Zamzam Ibrahim Ali

2. Senator Ayaan Adan Abdullahi

3. Senator Adam Abdinasir

4. Senator Dr Hussein Mohamed

5. Senator Mohamud Mohamed

 

 August 15, 2021 markale la buuxiyey  sedexdii kursi ee harsanaa waxayna  kala ahaayeen,

1. Senator Xasan Xuseen Xaaji

2. Senator Cabdiwali Maxamed Ibraahim Xaabsade

3. Senator Cali Shiikh Maxamuud Gacal

 

August 11, 2021 Magalada Garoowe caasimada maamulka Puntland waxay bilaabeen  doorashada kuraasta  11 Xubnood oo matalaya Puntland waxayna kala ahaayeen,

1- Sen. Cabdiraxman Faroole

2- Sen. Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab

3- Sen. Cabdisamed Yusuf Abwaan

4- Sen. Sareedo Maxamed Xasan

5- Sen. Daahir Ayaanle Saciid

6- Sen. Samira Maxamud Xaaji Cawad

7- Sen. Cabdullahi Cali Xirsi Timacade

8- Sen. Seynab Ismacil Maxamed

9- Sen. Maxamed Cabdi Cismaan Majiino

10- Sen. Farxaan Cali Xuseen

11- Sen. Cabdiqani Geelle Maxamed

 

August 12,2021 Waxaa magalada dhuusamareed ee Caasiamada Galmudug lagu doortay  Lix Xubnood  oo matalaya Maamulka Galmudug waxayna kala ahaayeen,

1- Sen. Cabdixakiim Macallin Axmed

2- Sen. Saciid Siyaad Shirwac

3- Sen. Samsam Daahir Maxamuud

4- Sen. Duniyo Maxamed

5- Sen. Cabdi Axmed Dhuxulow

6- Sen. Yuusuf Geelle Ugaas

 

Hadaba Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha  Soomaaliya, oo war-murtiyeed kasoo saaray shir saddex maalmood socday oo ay ku yeesheen Muqdisho, ayaa sheegay inay walaac ka muujinayaan sida ay ku billowdeen doorashooyinka dalka.

Golaha ayaa sheegay inay kulamo iyo wada-hadallo la yeesheen Guddiga Doorashooyinka Heer-Qaran ee (FEIT), ururrada bulshada rayidka iyo beesha caalamka, iyo Ra’iisa lwasaare Maxamad Xuseen Rooble.

“Goluhu wuxuu adkaynayaa in habraaca doorashooyinka Aqalka Hoose ay noqdaan kuwo daahfuran oo wadar-ogol ah,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.
Golaha ayaa soo jeediyey afar qodob oo kala ah:-

1- In 135-kii oday dhaqameed ee loo aqoonsanaa hoggaanka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ay saldhig u noqdaan soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaanada aqalka hoose.

2- In doorashada ay ka dhacdo goob amnigeeda sugan yahay oo ay booliska federaalka, dawlad-goboleedka iyo AMISOM ka wada qaybqaataan.

3- In kaalinta dawlad-goboleedka ay ku ekaato fududaynta iyo habsami-u-qabashada doorashooyinka.

4- In bulshada rayidka ah, ururrada caalamiga iyo xubnaha beesha caalamka ay goobjoog ama korjoog ka ahaadaan habsami u socodka doorashooyinka.

Midowga Musharaxiinta ayaa dhanka kale ugu baaqay ra’iisul wasaare Rooble in uu ballaariyo kulanka ay ku ballansan yihiin madaxda madasha watashiga qaran “si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda si nabad ah, dalkana u horseedda xasilooni siyaasadeed.”

 

WQ/ Hussein Ali Gesey