Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame u magacabay Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Soomaaliya, xubintaas oo dhalisay hadal heyn badan.


Hadaba su'aashan ayaa u baahan in la iftiimiyo  waxayna noqoneysa sidan.


Dowladda waxay leedahay Ergooyin metala dallal ama ururo caalami ah ama xilal sare  oo hadii qof ka mid ah xubin Baarlamaan  loo magacaabo ku waayi-karo  xubinnimadiisa xildhibaannimo.


Tusaale. Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka, oo horay xilka ugu waayey xildhibaan Sanbaloolshe, safiir dalleed, Qunsul safaaradeed, xubin ka mid Ergada  Qaramada midoobay, Guddoomiye Gobol, madaxweyne DG iyo Taliye ciidan IWM. sida uu qabo dastuurka qodobkiisa 59-aad xarafkiisa (E) "haddii ay xubintu aqbasho xil dhowladdeed aan wasiir aheyn!.


Xilka Cabdiraxmaan loo magacabay ma yahay xubin horay u jirtay dastuurkana uu qabo  in uu xilkiisa ku waayi-karo? 


Xilkan Madaxweynaha uu magacabay ma ahan jago dastuuri ah oo horay u jirtay  oo qasab tahay in xubinnimadiisa Baarlamaan uu ku waayi-karo, taas oo siyaasiyiin badan ay qabaan in xubintan ay tahay Xubin sharafeed ka baxsan xilalka Xukuumadda  oo madaxweynuhu ugu tala galay in si gaar ah ula socdo arrimahan Abaaraha soo noqnoqday in uu waxbadan ka qabto ahmiyad gaar ahna uu  siinaayo.


Tusaale  kale madaxweynaha  Mareykanka Joe Biden ayaa  November 23, 2020, Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda John Kerry u magacabay Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka u qaabilsan cimilada, taas oo aheyd xubin sharafeed, 


Marka magacaabista Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxay la mid tahay tii John Kerry oo kale, laakiin dad badan ayaa jira xubinnimadaas siyaabo kala duwan u fasireen.


                       Waa aragtideyda gaarka ah.

                            WQ: Hussein Ali Gesey